Hogaamiyaha kooxda la magacbaxday dowlada Islaamka Abu Bakar Al-Bakhdaadi ayaa muuqaal laga soo duubay waxaa sii deysay kooxda Daacish.
Warbaahinta ku hadasha afka daacish ayaa isniinta maanta ah baahisay muuqaal lagu sheegay in uu yahay hogaamiyahooda kaasi oo lagu amray in kooxda ay qaado weeraro loogu aargudayo ragga laga dilay kuwa maxaabiista ah oo wali Xiran.
Muuqaalka oo socday 18 daqiiqo ayaa waxaa laga dheehanayay hub iyo bambooyin ag yaala hogaamiye Abuubakar Al-Baqdaadi.
Lama oga waqtiga rasmiga ah ee muuqaalkan la soo duubay,balse waxaa uu ku soo aadayaa kadib dagaal xoogan socday oo kooxda Daacish laga wareegay deegaanka Baaquus bishii la soo Dhaafay.
Inkastoo fariisinkii ugu danbeeyay oo kooxda ku laheyd bariga suuriya laga wareegay ayaa hadane Abuubakar waxaa uu ugu baaqay in ay kooxda sii wado Halgankeeda.

