Thursday, May 15, 2025
HomeWararMaxkamadda CQS oo toogatay Askar Muqdisho & Balcad ku dishay Dad rayid...

Maxkamadda CQS oo toogatay Askar Muqdisho & Balcad ku dishay Dad rayid ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Xukun Toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi & Xasan Juulle Shaakir oo 10kii Janaayo 2023 si bareer ah u dilay Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo) oo ah Ganacsade & Cali Taliye Cariif oo Wade Bajaaj ah.

Qaasim ayaa lacag dhan 5,000 Sh.so (Shan kun oo Shillin Soomaali ah) nafta u dhaafiyay Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo) oo Ganacsi yar ku lahaa Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Kiiska Qaasim Ducaalle ayaa heerar kala duwan soo maray, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxaa la horgeeyay caddeymo muujinaya sida uu dilkaas u geystay iyo Dadkii marqaatiga ka ahaa sida uu u dhacay dilka.

Xasan Juulle Shaakir waxa uu ku sugnaa Bar lacagaha looga qaado Gaadiidka oo ku taalla Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxa uu dilay Cali Taliye Cariif oo waday Mooto nooca loo yaqaan Bajaaj.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Xasan Juulle oo ah qiyaasta Cali Taliye kaddib markii Maxkamaddu dhageysatay marqaatiyaasha ku marag-furay kiiska dilka ah uu geystay.

Askar katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo dilal bareer ah u geystay Dad rayid ah ayaa weli ku xiran xabsiyada, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa digniin u dirtay Ciidamada dhibaatada u geysta Shacabka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe