Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday shan garsoore oo isugu jira garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal, kadib markii ay sii daayeen maxaabiis lagu soo eedeeyay burcad badeednimo iyo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Maxkamadda ayaa magacyadooda ku sheegtay Gaashaanle Dhexe Keenadiid Cabdicasiis Axmed, Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Warsame Jaamac, Gaashaanle Sahal Cabdi Cartan, Gaashaanle Cabdiweli Maxamed Maxamuud iyo Sareeye Gaas Aadan Cali Maxamuud.
Waxa lagu xukumay min laba ilaa shan sano oo xadhig ciidan ah.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka ayaa ku eedeysay mas’uuliyiintan inay lacago laaluush ah ku qaateen sii daynta maxaabiista, balse ma jirin qareenno u doodaya oo maxkamadda ka difaacay saraakiisha ciidamada ee la eedeeyay.
Qareenada u doodaya mas’uuliyiintan ayaa warbaahinta u sheegay in loo diiday waqti ku filan oo ay ku diyaariyaan difaac.
Qareen Mustafe Maxamed Jaamac oo ka mid ah qareennada ayaa sheegay in xukunnada lagu riday ay sabab u tahay xukunnada ay mas’uuliyiintan ku riday dad lagu eedeeyay burcad-badeednimo. Waxa uu intaasi ku daray in markii ay ku dhawaaqeen go’aannada Maxkamadda, mas’uuliyiintaas looga yeeray Madaxtooyada Garoowe, kadibna xabsiga loo taxaabay, iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin.

