Sunday, April 26, 2026
HomeWararDibaddaBooliska Puntland oo gacanta ku dhigay hogaamiyihii ugu muhiimsanaa burcad badeeda howlgalkii...

Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay hogaamiyihii ugu muhiimsanaa burcad badeeda howlgalkii labaad ee la dagaalanka burcad badeeda todobaadkan.

Ciidamada Booliska Puntland iyo kuwa Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah burcadbadeedda ka sameeyay magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu soo qabtay Abshir Cabdi Kheyre Jowfe oo 38 jir ah, kaasoo ahaa taliyihii ka dambeeyay afduubkii markabka MV Cabdalla. Xarigan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dadaallada lagu burburinayo shabakadaha burcad-badeedda ee gobolka.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa daba socday qorshe iyo isku dubarid ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa booliska Puntland.

Markabka MV Abdalla, ayaa waxaa la socday 23-shaqaale ah oo u dhashay dalka Bangladesh, waxaana la afduubay, waxaana loo weeciyay dhinaca Xeebaha Soomaaliya, iyadoo burcadbadeedda ay ku adkeeyeen hub culus, si ay uga hortagaan howlaha lagu soo furto. Kooxaha budhcad-badeedda ayaa si isa soo taraysa u isticmaala xeeladdan si ay u ilaashadaan xakamaynta maraakiibta la afduubo. Shaqaalaha markabka ayaa la haystay toddobaadyo ka hor inta aan la sii dayn ka dib wadahadalo daba dheeraaday oo ku dhammaaday 5 milyan oo madax furasho ah. Wadahadallada waxaa ku lug lahaa dhinacyo badan, oo ay ku jiraan dawladda Bangladesh iyo ururada caalamiga ah ee badaha.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug Col. Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf ayaa ku nuux nuuxsaday in maamulka ay ka go’an tahay la dagaallanka burcad badeedda, isla markaana sharciga la horkeeno dhammaan kooxaha ku lugta leh falkaas. Xarigga Jowfe ayaa noqonaya kii saddexaad ee la xiriira afduubka MV Cabdalla, iyadoo tani ay muujinayso sida ay weli socdaan howlgallada lagula dagaalamayo burcadbadeedda.

Booliska Puntland ayaa sidoo kale Isniintii ku dhawaaqay in Maxamed Suufi Raass ay ku qabteen magaalada Garoowe oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku dhuumaaleysanayay.

Lacagaha madaxfurashada ka dib, burcad-badeeddu waxay u kala yaaceen magaalooyin kala duwan oo Puntland ka tirsan, iyadoo qaarkood ay u guureen deegaannada xeebaha ah si ay u qorsheeyaan weerarro kale oo lagu qaado maraakiibta ganacsiga.

Beesha caalamka, oo ay ku jiraan ururada badaha iyo ciidamada badda, ayaa sii wada kormeerka iyo ka jawaabista khatarta burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya. Afduubka iyo lacag-bixinta madax-furasho ee xigtay waxay dhalisay baaqyo ku aaddan in la wanaajiyo ilaalada badda iyo tallaabooyin ammaan si loo ilaaliyo marinnada maraakiibta ganacsiga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe