Saturday, March 22, 2025
HomeWararMaxkamad ku taal dalka Sweden oo xukun xabsi daain ku riday nin...

Maxkamad ku taal dalka Sweden oo xukun xabsi daain ku riday nin Somali oo dilay gabar uu saaxib la ahaay

Maxkamad ku taallo Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday muwaadin Somaliyed oo lagu eedeeyay inuu dilay gabar uu saaxiib la ahaay.

Maxkamadda ayaa xukun ku riday Yuusuf Shiiraar Xuseen oo sanadkii 2018kii dilay gabar ay saaxiibo ahaayeen, kadib markii ay xiriirkii u jartay.

Yuusuf ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay inuu gaystay falkaasi oo u adeegsaday bir uu ku dilay gabadhaasi.

Maydka gabadha uu dilay Yuusuf ayaa laga helay guriga, waxaana jirkeeda ka muuqday jirdil xooggan sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska.

Mudooyinkaan dambe waxaa soo badanaya falalka tacadiga ah ee ragga Somalida ay kula kacayaan haweenka ku nool Qurbaha.

Bishii la soo dhaafay ayeey aheyd markii muwaadin Somaliyed uu xaaskiisa ku dilay dalka Mareykanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe