Thursday, April 18, 2024
HomeWararMaxkamad go’aan ka gaartay saddexdii nin ee qarxin rabay dhismaha Soomaalida

Maxkamad go’aan ka gaartay saddexdii nin ee qarxin rabay dhismaha Soomaalida

Maxkamad racfaan oo Mareykan ah ayaa joogteysay xukun dambi ku helis iyo xabsi ah oo horey loogu riday saddex nin oo caddaan ah oo isku dayey inay qarxiyaan dhisme ku yaalla gobolka Kansas ee Mareykanka oo ay Soomaalida degan yihiin iyo Masjid.
Maxkamadda ayaa diidday doodda saddexdan nin oo aheyd in hay’adda FBI-da ay qiyaameysay.
Curtis Allen, Gavin Wright iyo Patrick Eugene Stein ayaa waxay xeer-beegtida maxkamadda federaalka ee Kansas 2018-kii ku heleen dambiyo ay ka mid yihiin; shiurqoolka istcimaalka hubka sida weyn wax u burburiya, iyo ku-xadgudubka xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta ku nool magaalada Garden City ee gobolka Kansas.
Bishii Janaayo 2019, garsoore Eric Melgren ayaa ku xukumay Allen 25 sano oo xabsi ah, Wright 26 sano oo xabsi ah iyo Stein 30 sano oo xabsi ah.

Saddexda nin ayaa racfaan u qaatay Maxkamadda 10-aad ee Mareykanka ayaga oo ku doodaya in garsooraha uu diiday codsigooda ah inay isku difaacaan doodda ah in FBI-da ay shirqooshay. Waxay sidoo kale sheegeen in xeer-beegtida maxkamadda loo soo xulay si aan dhex-dhexaad aheyn
Saddex garsoore oo ka tirsan maxkamadda racfaanka ayaa Isniinti diiday doodda saddexda nin. Guddiga ayaa sheegay in saddexda nin aysan dood uga keenin xulista xeer-beegtida muddadii 7-da maalin aheyd ee uu sharciga u ogolaanayey.
FBI-da ayaa adeegsatay jaajuus iska dhigay inuu hubka iibiyo, kaasi oo la macaamilay saddexda nin, waxayna ku doodeen in taasi ay aheyd shirqool loo dhigay.
Maxkamadda ayaa sheegtay in difaaca ah in FBI-da qiyaameysay ay aheyd in lagu muujiyo caddeyn ah in raggan aysan wax qorshe ah ka laheyn inay qarax fuliyaan, taasi oo ay ku guul-darreysteen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe