Saturday, March 22, 2025
HomeWararMaxay tahay Qorshaha Gudoomiye Cabdi Xaashi uu u tagayo Dhuusa-mareeb

Maxay tahay Qorshaha Gudoomiye Cabdi Xaashi uu u tagayo Dhuusa-mareeb

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi oo ku sugan hada Magaalada Garoowe Ee Caasimada Puntland ayaa ku wajahan Caasimada Galmudug oo hada ay ku sugan yihiin qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra,iisul wasaare khayre.

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo saaka ka soo duulay Muqdisho ayaa la sheegay in u jeedka ugu weyn ee safarkiisa uu yahay in uu kulamo la qaato Madaxda Maamul goboleedyada oo Golahiisu uu ku matalo DFS.

Gudoomiye Xaashi oo Xasaasiyad ka qaba Siyaasada Madaxda Fidraalka iyo tan ka socota Villa hargeysa ayaa Doonayo in uu Madaxdaan ku qanciyo in ay Muujiyaan awooda Golaha aqalka sare oo DFS ay yareysato had iyo jeer.

Gudoomiye Xaasi ayaa horay u soo dhaweeyay War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda Maamul Goboledyada  uga qabsoomay Caasimada Galmudug ee Dhuusa-mareeb

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe