Tuesday, April 21, 2026
HomeWararGudahaMaxay tahay Istiraatiijiyadda cusub ee dowladdu kula dagaalamayso Al-shabaab

Maxay tahay Istiraatiijiyadda cusub ee dowladdu kula dagaalamayso Al-shabaab

Tan iyo markii ay billowdeen labakacleynta howlgallada lagu ciribtirayo argagaxisada ku sugan goballada dhexe, waxaa muuqanayay isbeddel lagu sameeyay istaraatiijiyadda iyo qorshihii dagaalka ee dawladda, taas oo durba natiijo wanaagsan laga helay.
Ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ayaa gulufkaan cusub ee hadda socda waxa ay xoogga ku saareen sifeynta keymaha iyo dhulka hawdka ah ee ku teydsan jidadka la isaga gudbo goballada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo ahaa gabbaadyo muhiimka ah oo ay argagaxisadu ku talogalayeen inay isugu geeyaan awoodooda, marka laga soo saaro magaalooyinka ay hadda ku hareen.
Istiraajiyada howlgalkan ayaa loogu talogalay in cuddudda argagaxisada lagu wiiqo dagaallo toos ah oo duurka lagula galayo, si hal mar loogu wada jebiyo duur iyo deegaannaba, loogana wada saaro goballada dhexe.
Howlgalladii hore ee magaalooyinka badan lagu soo xoreeyay ayaa waxa barbarsocday halista weerarro waxyeello badan geystay oo ay argagaxisadu ku soo qaadi jirtay deegaannada ay marka hore isaga baxdo. Waxayna taas ahayd dhaliil weyn oo dadka arrimaha milatariga yaqaana ay u jeedinayeen qorshaha dagaal ee dawladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo todobaadkii hore ka hadlayay Dhuusamareeb ayaa waxa uu kalsooni ka muujiyay in ay dawladdu ka gaashaamatay weerarro rogaalcelis ah oo ay argagaxisadu soo qaadaan, isaga oo tilmaamay in dagaalka hadda socda uu yahay mid si buuxda la isugu furayo duur iyo magaalaba, laguna ciribtirayo dhufeysyada ay kooxdu ku dhuumaalaysan karto.
QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe