Tuesday, April 21, 2026
HomeWararGudahaDEGDEG: Ciidamda Qaranka oo magaalda Wabxo iyo deegaano kale ka saaray kooxda...

DEGDEG: Ciidamda Qaranka oo magaalda Wabxo iyo deegaano kale ka saaray kooxda Khawaarijta

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya ciidamada shacabka deegaanka ayaa goor dhaw si buuxda ula wareegay magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud oo ah goob aad u muhiim ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dowladda FS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa xaqiijiyey in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen magaalada Wabxo iyo deegaano kale, kuwaas oo in muddo ah Khawaarijtu ay dhibaato ku haysay.

Ciidamada ayaa hadda ka wada magaalada hawlgal lagu xaqiijinayo amniga, miinooyinkana looga saarayo.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale la wareegay deegaano balaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale, Gal qoryaale, Bidda Ciise, iyo goobo kale .

Khawaarijta ayaa isku dayay in ay difaacdaan magaalada, waxaana meel 8-km u jirta magaalada ka dhacay dagaal kaas oo lagu jabiyay Khawaarijta

Goor dhaw halkan kala soco faahfaahinta hawlgallada socda

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe