Tuesday, August 25, 2026
HomeWararDibaddaMaxay kawada Hadleen Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga ka socday Ingiriiska ee...

Maxay kawada Hadleen Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga ka socday Ingiriiska ee Muqdisho ku kulmay?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaana hoggaaminayay xoghayaha joogtada oo lagu magacaabo Sir Philip Barton.

Xamsa Cabdi Barre ayaa Wafdigaan warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya, waxaana uu usii raaciyay dedaallada kala duwan ee Dowladda Federaalka ay ku howlan tahay in mustaqbalka dhow iyo kan fogba ay hiigsato.

Wafdiga ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Ingiriiska ayaa dhankooda Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah ay ka gaartay dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha.

Intaas kaddib waxaa loo dhaadhacay arrimaha ka dhashay isbaddelka Cimillada ee Saamaynta taban ku reebay Dad badan oo ku sugan Gobollada Dalka kuwa ay saamayntu ku reebeen Abaaraha, Daadadka & Fatahaadaha Dalka ku dhuftay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe