Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaBooliiska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada Amniga lagu sugayo & u...

Booliiska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada Amniga lagu sugayo & u diyaargarowga Bisha Ramadaan.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa faah-faahin ka bixiyay nabadgalyada Magaalada Muqdisho, diyaargarowga Bisha Barakaysan ee Ramadaan si xoogga loo saaro xasiloonida caasimadda & deegaannada duleedkeeda dhaca.

Waxa uu sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin adkaynta amniga Magaalada Muqdisho maadaama ay nagu soo wajahan tahay Bisha Barakacaysan ee Ramadaan oo curanashadeeda ku beegan Bartamaha todobaadka damba.

Howlgal ka dhacay duleedka Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayuu sheegay Afhayeenka Booliiska in ciidamada ammaanka ay beegsadeen xubno katirsan ‘AS’ oo qaarkood gacanta lagu dhigay waa sida uu hadalka u dhigay.

Wadashaqaynta Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka iyo Shacabka Magaalada Muqdisho ayuu ku tilmaamay in ay udub-dhexaad u tahay adkaynta Amniga sidaas awgeed waxa uu soo jeediyay in la kordhiyo wadashaqayntooda.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Booliis, Nabadsugid & Booliiska sida Militariga u tababaran ee Booliis-Militaare ayaa howlgallo kawada Xaafadaha iyo waddooyinka Muqdisho iyaga oo baaraya Gaadiidka & Dadka la socda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe