Saturday, March 15, 2025
HomeWararMaxaa laga filan karaa shirka aan caadi aheyn ee golaha Wasiirada?

Maxaa laga filan karaa shirka aan caadi aheyn ee golaha Wasiirada?

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeelan doona kulan deg deg ah oo ku saabsan xaalada dalka ka dib markii uu baaqday kulankii golaha ee khamiistii lasoo dhaafay.

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoomin doona ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka Golaha Wasiirada laga soo saari doono go’aano culus oo ka dhan ah Jubbaland oo lagu saleyn doono xaalada doorashada oo weli lagu muransan yahay Guddiyadii uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in kulanka sababta uu dib ugu dhacay khamiistii ay aheyd sidii loo qaadan lahaa go’aamo mideysan oo ku aadan xaaladdaha maamulka Jubbaland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe