Friday, March 29, 2024
HomeWararJim Langevin: “Go’aankan wuxuu Soomaaliya haddiyad ahaan u siiyey SHIINAHA”

Jim Langevin: “Go’aankan wuxuu Soomaaliya haddiyad ahaan u siiyey SHIINAHA”

Xildhibaan Jim Langevin oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa cambaareeyey go’aanka uu madaxweyne Trump xalay ku amray in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya.

Jim Langevin, oo madax ka ah guddi hoosaadka sirdoonka iyo halisaha soo ifbaxaya ee Aqalka Wakiilada, ayaa go’aankaas ku macneeyey isu-dhiibitaanka Al-Qacida iyo Soomaaliya oo haddiyad loo siiyey China.

“Go’aanka uu madaxweynaha ciidamada uga soo saarayo Soomaaliya, waa isu-dhiibitaanka Al-Qacida iyo haddiyad la siiyey China. Kooxda Al-Qacida ku xiran ee Al-Shabaab waa awood muuqata oo joogta Soomaaliya, waxaana ciidamadeena gaarka ah ay ku wehliyeen ciidamada xulka ah ee Soomaaliya in wax laga qabto halistan,” ayuu yiri Langevin.

“Joogitaankeena amni wuxuu suurta-geliyey sirdoon, diblomaasiyad, kaalmo cunno iyo gargaarka musiibooyinka. Marka ay ciidamadeena ka baxaan Soomaaliya kadib amarkan, way adkaan doontaa in diblomaasiyiinteena iyo shaqaalaha gargaarka ay dadka Soomaaliyeed ka caawiyaan inay xaliyaan dagaalka rabshad la’aan iyo ayada aan naf badan lagu waayin.”

Langevin ayaa sidoo kale sheegay in ayada oo Soomaaliya ay hadda isu diyaarineyso doorasho, dagaalna uu ka socdo Ethiopia, uu Mareykanka meel cidlo uga tegay saaxiibadiisa.

Waxa uu intaas ku daray in Al-Shabaab ay bixitaan ciidamada Mareykanka u arki doonto guul, una fududeyn doonto inay dad ku xiran ku dhex daraan dowladda.

“Waxaa intaas dheer in China ay ka faa’iideysan doonto fursaddan si ay u dhisto saameynteeda gobolka,” ayuu yiri.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Inta badan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah ciidamada howlgallada gaarka ah, waxayna kala joogaan dhowr saldhig oo kala duwan oo ku yaalla dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe