Tuesday, May 20, 2025
HomeWararWasiirkii hore ee Maaliyada Austria oo lagu xukumay 8 sano oo xabsi...

Wasiirkii hore ee Maaliyada Austria oo lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah

Wasiirkii hore ee maaliyadda dalka Austria ayaa lagu xukumay sideed sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay in uu ku lug lahaa musuq ay ku kaceen shakhsiyaad sarsare.

Karl-Heinz Grasser oo la xukumay maalin kahor ayaa lagu helay wax isdaba marin iyo in uu qaatay lacag laluush ah, si uu u iibiyo kumanaan guryo ah. Maxkamad ku taala Viena ayaa sheegtay in wasiirkii hore ee maaliyadda uu laaluush ahana u helay lacag dhan 9 milyan oo Gini. Haseyeeshee waxaa uu wasiirka beeniyay in uu wax dembi ah galay.

Grasser ayaa inta la ogyahay taariikhda waxaa uu noqday wasiirkii ugu da’da yaraa ee soo mara dalkaas, wuxuuna xilka wasaaradda maaliyadda ee Austria qabtay sanadkii 2000. Kiiskan ayaa waxaa sidoo kale ku lug lahaa 14 eedeysanayaal, kuwaas oo ku eedeysnaa xatooyo iyo musuqmaasuq.

Maxkamadda waxaa kale oo ay sheegtay in Grasser uu xog la xiriirta iibinta guryo dowladda ay laheyd balse la doonayay in si gaar ah loo yeesho uu u gudbiyay shirkad tartan ugu jirtay, taas oo la sheegay inay aheyd eexasho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe