Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhintay qarax miino oo qabsaday gaadiid ay wateen oo mararyay degaanka gololeey oo ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Xubnaha geeridooda la xaqiijiyay waxaa kamid ah:
1) Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo warshadaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Marxuum Sebriye Osman.
2) Gudoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Shabeelada Dhexe ee dowlad-goboleedka Hirshabelle Marxuum C/lahi Shataawe.
3) Marxuum Xasan Baldoos, oo aan shaacin xilka uu hayay