Tuesday, March 18, 2025
HomeWararMareykanka oo Faa Faahin Ka Bixiyay Duqeen uu Ka Fuliyay Shabeelaha Hoose

Mareykanka oo Faa Faahin Ka Bixiyay Duqeen uu Ka Fuliyay Shabeelaha Hoose

Taliska Mareykanka ee la yiraahdo  AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn uu ka fuliyay deegaano  ka tirsan Shabeellaha Hoose  ay ku dileen Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

War saxaafadeed uu soo saaray Taliska ayaa lagu sheegay in duqeymo ay dhaceen  Axadii todobadkan iyo shalay oo Talaado aheyd.

Duqeynta koowaad ayaa waxaa ay ka dhacday deegaanka Gardarshe, Halka duqeynta labaadna ay ka fuliyeen mareykanka deegaanka Leego ee Gobalka Shabeellaha hoose.

Ma sheegin mareykanka khasaaraha ka dhashay duqeymaha ay ka fuliyeen Gobalka Shabeellaha Hoose.

Taliska Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta ay ka dhacday xarun Al-Shabaab ay weerarada ka qaadaan, waxaana la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay bartilmaameedsadeen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan  Al-Shabaab oo abaabulaya weerar ay ku soo qaadaan ciidanka dowladda.

Deegaanka Gendershe ayaa 45KM dhanka Koofureed ka xigta magaalada Muqdisho, waxaana ay saaran tahay dhanka xeebta wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marka, halka deegaanka Leego uu isku xiro magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo , waxayna magaalada Muqdisho u jirtaa qiyaastii 120 KM.

Mareykanka ayaa waxaa ay kordhiyeen duqeymaha ay ka fuliyeen deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan Gobalada dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe