60 Cisho Ka Dib Halkii Lagu Qarxiyay Alha Unaxariistee taliyihii guutada 12-ka April ee ciidamada dowladda Jeneraal Cumar Dheere Iyo Amaanduulihii Guutadaasi Cabdi Cali Jamaame Ayaa Galinkii Danbe Ee Shalay Waxaa Gaari Ay Saarnaayeen Saraakiishay Badashay Qarax Lagula Eegtay Goob Tilaabooyin Ujirta.
Labada korneyl ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray korneyl Cabdisalaan Sheekh Aaden oo ahaa amaandulihii qaybta 12-ka Abril iyo Korneyl Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse oo ahaa madaxa maamulka lacagta Guutada 1-aad.
Halka uu Qaraxu Ka Dhacay Waa Deegaanka Dhanaane Ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo 6 Bishii December Ee Sanadkii Tagay 2018 Mudo Labo Bil Ahana Ay Soowareegato Lagu Qarxiyay Jananad
Hayeeshee Qaraxa Shalay Ayaa La sheegay In Korneeladaani Ay Isla Saarnaayeen Halgaari Iyaga Iyo Darawalkii Uwadayna Ay Ku Geeriyoodeen Ka Dib Markii Ay Haleeshay Miino Nuuca Dhulka Lagu Aaso Ah  Sida uu Sheegayo Cabdifitaax Xaaji Cabdule Gudomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabelaha Hoose.
Inkastoo Wadadane Ay Isku Xirto Muqdisho Iyo Marka Hadana Waa Wado Xeebka Ku Teedsan oo Khatarteedu Badan Tahaya Dhoor Jeer oo Hore Saraakiisha Wadadani Ku Safra Waxaa Looga Digay Khataraha Ay Kala Kulmikaraan
Dhanka Kale Warar Aan La Xaqiijin Ayaa Sheegaya In Askarta Milatariga Ee Halkaa Ku Sugnaa In Dilka Saraakiisha Kadib Ay Iskaga Soo Baxeen Halkaasi.
In Mudo 60 Cishaa Saraakiil Muhim U Ah Ciidamada Dowlada Lagu Dilo Isku Meel Waa Mid Calaamad Su,aal Laginaysa In Dowlada Somaliy Ay Awood Uleedahay Ilaalina Madaxdeeda Waxaase Tan Ay Imaanaysaa Maalin Ka Hor Markii Alshabaab Labo Howgal oo Qorsheesay Ay Kala Fuliyeen Magalada Boosaaso oo Ay Ku Dileen Maareeyihii Shirkada DPWOLD Ee Dakada Boosaaso Iyo Qarax Muqdisho Ka Dhacay oo In Kabada 10 Ruux Ay Ku Geeriyoodeen