Wednesday, June 24, 2026
HomeWararSomali Qaad Lagalinaysay Dalka India oo Laxiray

Somali Qaad Lagalinaysay Dalka India oo Laxiray

Ciidanka Booliska dalka India ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada New Delhi ku qabtay Saddex ruux oo 2 ka mid ah ay yihiin Soomaali, kuwaasoo siday Jawaano qaad ah oo ay doonaayeen in ay si qarsoodi ah ku galiyaan dalka India.

Qaadkaan ayaa laga qaaday dalka Itoobiya, waxaana Ciidanka Booliska ee qaabilsan Canshuuraha iyo baaritaanada Garoonka ay sheegeen in ay dadkaan rabeen Ganacsi sharci daro ah in ay ka bilaabaan dalka India.

Qof kale oo heysta dhalashadda dalka Itoobiya ayaa la socday 2 qof ee Soomaalida ah ee lagu xiray GarOonka New Delhi.

Booliska waxa ay ku sheegeen warbixin Kooban oo ay soo saareen in Cabirka Qaadka ay sideen lagu qiyaasay 600 KG, waxaana ay sheegeen in raggaan sanadyadii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen dalka India.

Dalka India ayaa waxaa laga mamnuucay in qaad lasoo galiyo sanadku markuu ahaa 1985, waxaana uu ka mid ah Waxyaabaha loo aqoonsaday Sharcidaro hadii dalka India lasoo galiyo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe