Tuesday, January 21, 2025
HomeWararMadaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Dagaalka Tukaraq

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Dagaalka Tukaraq

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmo kahor dib ugu soo laabtay dalka ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan loo joojiyo dagaalka degaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.

Degaanka Tukaraq waxaa isku haya ciidan ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Somaliland, marar badan oo dagaal uu dhexmray waxaa dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in wax wanaagsan aysan aheyn iyada oo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiiggga qofka muslimka ah, sidaasi darteedna loo baahan yahay in arrintan wada hadal laga galo.

Labada Madaxweyne ee maamulada Puntland iyo Somaliland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Muuse Biixi Cabdi ayuu ugu baaqay in arrintan ay door muhiim ah ka qaataan, si nabad loogu wada noolaado.

“Waxaan rabaa inaan halkan baaq nabadeed uga jeediyo walaalaha Puntland iyo Somaliland, dagaalada ku soo laab laabtay Tukaraq darteeda, oo ay ku dhinteen dad badan, waxaan joognaa bil Ramadaan, waxaan nahay dad muslimiin ah, waxaa lagama maarmaan ah inaan fiirino in aysan habooneyn in dhiig muslim ah la daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka uu marayo iyo khilaafka dowladda kala dhaxeeya maamul goboleedyada, wuxuuna ku taliyay wax walba in si hoose loo dhameeyo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe