Thursday, April 25, 2024
HomeWararMidowga Afrika Oo Walaac Ka Muujiyay Faragelinta Shisheeye Ee Soomaaliy

Midowga Afrika Oo Walaac Ka Muujiyay Faragelinta Shisheeye Ee Soomaaliy

Gudoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Mahamed ayaa waxa uu sheegay in Midoga Afrika uu walaac ka qabo faragelinta shisheeye ee l;agu hayo Soomaaliya, kadib kulan uu magaalada Addis-Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Waxay ka wada hadleen Guddoomiye Musaiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, arrimaha siyaasadda, doorashada 2020-ka ee qof iyo cod, xasilinta amniga dalka, iyo xallinta khilaafaadka dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

War qoraal ah oo ka soo baxay xarunta dhexe ee Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in faragelintaasi ay carqalad ku tahay dhismaha nabadda iyo horumarinta ka socda Soomaaliya.

“Waxaan qirayaa in faragelinta ay khatar ku tahay, guusha adkeyd ee laga gaaray howlgalka wadajirka ciidanka qaranka Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM, waxaan walaac ka qabnaa arrintaasi, aa muhiim in Soomaaliya ay hesho madax banaani.” Ayuu yiri Musa Faki.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Mahamed ayaa Madaxda dalka ka dalbaday in ay si wadaan dadaallada la dagaallanka musuqa, si Soomaaliya ay dib ugu laabato xubinnimada Hay’adaha Caalamiga ah ee dhinaca Maaliyadda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe