Khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Maamulka galmudug, ayaa cirka isku shareeray kadib markii shalay magaaladda cadaado ay gaareen madaxweyne ku xigeenka galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka galmudug.
Waxaa ay sheegay markii ay tageen cadaado in ay ka soo horjeedaan si uu hadda ku socda maamulka galmudug, waxaana ay si gaara u dul istaageen qodobo dhawra ah oo ay ka mid ahaayeen heshiiyo horey loo galay, Destuurka galmudug, Balan qaadkii ahaa in cadaado ay noqoto xarunta Baarlamaanka Galmudug, isku darka Xildhibaanada Galmudug iyo Ahlu-sunna iyo Qodobo kale.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxmed Cabdi Xaashi ayaa sheegay in la hareer maray awood qeybsiga beeleed oo uu ku dhisan yahay maamulka Galmudug, taasi oo dhalisay kala fikir duwanaansho soo kala dhex galay Madaxda Sare ee Galmudug.
Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa carabka ku dhiftay in aan la fulin heshiiskii sanadkii hore lagu galay dalka Jabuut, waxaa uu sheegay in lagu xad-gudbay Heshiiskaasi lana agmaray siduu hadalka u dhigay.
waxaa uu xusay in la hareer marey heshiiskii wax isku darsiga Ahlu-sunna iyo Galmudug ee ahaa in wax lagu qeybsado hab beeleed.
Sidoo kale waxaa uu dhankiisa cadeeyay in la burburiyay Destuurka galmudug, islamarkaan uu si cad uga soohorjeedo asaga iyo dadka ku fikirka ah sidaa uu hadalka u dhigay.
“Waxaad asuusataan in bishii Desember ee sanadkii hore lagu soo galay heshiis jabuuti, waxaan qeyb ka ahaa dadkii tagay jabuuti si kasta oo uu ahaa heshiiskaasi waa lagu qancay waana la soo qaatay, laakiin markii la keenay sidii loo fulin lahaa oo lagu soo heshiiyay si dhaba looma galin waana lagu xadgudbay si khalad ah in loo fuliyo ayaan la isku dayay”
“Dadka waa dad wada soomaali ah mana jirto cid cida kale ka xoogbadan cid urur gooniya ah iyo cid xisbiyo ah, laakiin dadka waa qabiil hadeer waxayna heshiis ku yihiin in sidaasi galmudug ku dhisnaato heshiiska ahlu-sunna waxaa ku jiray in xildhibaanada qabiil lagu dhiso arrintaasi waa lag xadgudbay aniga iyo gudoomiyuha baarlamaanka iyo intii nala firkir ahba waan diidnay ” ayuu yiri maxamed cabdi xaashi.
Dhankiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal casir ayaa sheegay in Baarlamanka Galmudug uu yahay kii horay u jiray, isla markaana ShacabkaGalmudug ay dhisteen uusana qabali dooni baarlamaan kale.
Waxa uu sheegay in waqtigaan la hareer maray Dastuurkii u yaallay Galmudug, isla markaana Baarlamaanka Galmudug sidii uu horay u iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo uu ku Shaqeyn doono Magalada Cadaado.
“Waxaan idiin cadeyneyna in aanan aqoonsaneyn baarlamaan aan aheyn kii Galmudug ee Cadaado lagu dhisay, waana kii haystay dastuurkii in ka badan 800 oo Ergo ay ansixiyeen,iyo Dastuurka rasmiga ah ee dowlad goboleedka Galmudug, Anagana ma ogolaan doono Destuurka khilaafsan Dastuurka dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Cali Gacali Casir.
Waxaa uu cadeeyay Gudoomiye cali gacal inaanu aqbali doonin xildhibaanada ahlu-sunna ee lagu biiriyay kuwa galmudug, asagoo u cuskaday in la hareer maray destuurkii galmudug uyiilay.
ugu danbeyntii Guddoomiye Cali gacal ayaa ugu baaqay xildhibaanadii hore ee galmudug in ay yimaadaan magaalada Cadaado si loo dardar geliyo howlaha hor yaala baarlamaanka.
Dhankiisa waxyar kadib hadalada mas’uuliyiintaan waxaa Warbaahintakula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug waxaana ay ka hadleen Khilaaf soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Galmudug.
Madaxweyne xaaf oo hadalka ku horeeyay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in ay yimaadeen dhuusamareeb, khilaafka jira lagu xalin doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Waxaa kale oo mas’uuliyiinta garab taagnaa madaxweyne xaaf ay fariin baaq ah u direen madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyagoo ka codsaday in ay wada hadal ku xaliyaan khilaafka jira ee aysan kala geyn ummadda reer galmudug.
Si kastaba ha haatee waxaa sii kordhaya khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinka ugu sareysa maamulka galmudug, iyada oo Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ugu baaqday in madaxda galmudug ay dhexdooda is xaliyaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay ay waday dadaallo lagu xalinaayo Khilaafka balse nasiib daro mas’uuliyiintii galmudug ay ukala duuleen dhuusamaree iyo Cadaado.
Waxaa uu ugu baaqay in ay muqdisho dib ugu soo laabtaan muqdisho madaxda galmudug 30-ka bishaan si loo xaliyo khilaafka ka dhexjira.
Dhanka kale Wada hadallo kala gooni gooni ahaa ayaa madaxda sare xaly ilaa maanta ayay kula kala yeesheen odoyaasha dhaqanka iyo wax garadka magaalooyinka dhuusamareeb iyocadaado, kulamaadaasi waxaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka taagan.
26-kii Bishii Maarso ee Sanadkaan ayay aheyd markii munaasabad ka dhacday Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, lagu mideeyey Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusunna kuwaas oo gaaraya ilaa 178 Xildhibaan.
W/Q: Ahmed Mohamed Hassan (Ahmed Sudani)
E-mail: Sudanicadde@gmail.com