Thursday, April 16, 2026
HomeWararGudahaMadaxweyne Xasan Shiikh oo la filayo inuu u safro dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la filayo inuu u safro dalka Turkiga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa saacadaha soo socda u ambabixi doona dalka Turkiga, halkaas oo uu kaga qeyb-gali doono Madasha Dibloomaasiyadda ee Antalya.

Madashan oo sannadkan la qabanayo inta u dhaxaysa 17-ka ilaa 19-ka bisha Abriil, ayaa lagu falanqayn doonaa mowduucyo caalami ah, iyadoo hal-ku-dhegga sannadkan yahay Qorshaynta Berrito: Maareynta Hubanti-la’aanta.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabduqaadir Maxamed Nuur, iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cali Maxamed Cumar Cali Balcad.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu madasha ka jeediyo khudbad uu ku soo bandhigayo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan daris-wanaagga, is-ixtiraamka madax-bannaanida, iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah xoogga u saari doona muhiimadda ay xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas u leedahay nabadgelyada gobolka iyo socodka ganacsiga caalamiga ah, isagoo madaxda iyo khubarada goobta joogta la wadaagi doona dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga badaha.

Inta uu shirku socdo, Madaxweynuhu wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa Madaxda Sare ee dalka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee ka soo qeyb-galaya madasha.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan Soomaaliya uu soo gaarey Markabka Cari Bey, kaas oo Turkigu u soo diray si uu u soo saaro Shidaalka Dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe