Dowladda Turkey ayaa sheegtay in sii xoojinayso dadaalladeeda ku aaddan helitaanka ilo cusub oo tamar ah, iyadoo sheegtay shidaalka ay kasoo saarayso xeebaha Somalia inuu la xiriiro baahida sii kordheysa ee dalkaasi u qabo tamar.
Turkiga, oo leh dad gaaraya 86 milyan, ayaa si weyn ugu tiirsan soo dejinta shidaalka iyo gaaska, iyadoo ku dhowaad saddex meelood meel baahidiisa tamareed laga keeno dibadda. Tani waxay cadaadis dhaqaale ku keentay Ankara, gaar ahaan xilli ay sare u kacayaan qiimaha tamarta caalamka.
Wasiirka tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in sahanka cusub ee ka socda Soomaaliya uu yahay “bilow cusub” oo muhiim u ah istaraatiijiyadda tamarta ee dalkiisa, isagoo xusay in Turkigu doonayo inuu yareeyo ku tiirsanaanta ilaha dibadda.
Khubarada arrimaha tamarta ayaa tilmaamaya in Turkey ay si firfircoon u raadineyso ilo cusub oo shidaal, iyadoo ay jiraan caqabado ka dhashay colaadaha ka socda Iran iyo Ukraine, kuwaas oo si weyn u saameeyay sahayda iyo qiimaha tamarta ee suuqyada caalamka.
Sahaminta ka socota xeebaha Soomaaliya ayaa sidaas darteed loo arkaa mid ka tarjumeysa dadaalka Ankara ay ugu jirto xaqiijinta amniga tamarta, iyadoo sidoo kale furaysa fursado dhaqaale oo cusub oo u dhexeeya labada dal.
Turkiga ayaa yeelan doona 90% dhaqaalaha kasoo baxa shidaalka laga soo saarayo Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaliya.

