Thursday, April 16, 2026
HomeWararGudahaDegmada Dayniile ee magaalada Muqdisho oo saaka markale wajahday weerar culus

Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho oo saaka markale wajahday weerar culus

Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa saaka markale wajahday weerar culus, iyadoo dagaal xooggan uu ka qarxay xaafado ka tirsan degmada. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamada la sheegay inay taabacsan yihiin dowladda ay weerarka qaadeen, halka dadka deegaanka ay si degdeg ah uga hortageen.

Dadka ku nool Dayniile oo shalay muujiyay iska caabin xooggan ayaa maanta markale u istaagay difaaca deegaankooda, iyagoo sheegay inaysan aqbali doonin in si qasab ah looga saaro dhulkooda. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid aad u culus, isla markaana rasaas xooggan la isku adeegsanayo.

Rasaasta culus ee la maqlayo ayaa saameyn ku yeelatay nolosha dadka rayidka ah, iyadoo qaar badan ay ku qasbanaadeen inay ka barakacaan guryahooda si ay uga badbaadaan xabadda. Waxaa jira cabsi ah in khasaaro naf iyo maalba uu ka dhasho dagaalka socda, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawacyada.

Xaaladda degmada ayaa ah mid kacsan, iyadoo waddooyin badan ay xiran yihiin, dhaqdhaqaaqii gaadiidkana uu hakad galay.

Dadka deegaanka ayaa ugu baaqaya dhinacyada dagaallamaya inay joojiyaan colaadda, si loo badbaadiyo nolosha shacabka iyo hantidooda. Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ayaa ku baaqay in xal nabadeed la raadiyo, si looga hortago sii fiditaanka dagaalka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka ka socda Dayniile, hase yeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda iyo sababta keentay iska horimaadka markale dib u qarxa

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe