Sunday, April 12, 2026
HomeWararMadaxweyne Muuse Biixi oo ku wajahan Nairobi

Madaxweyne Muuse Biixi oo ku wajahan Nairobi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu maalinta berri ah uu booqasho ku taggo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Biixi ayaa la kulmi doona dhiggiisa Kenya Mr. Uhurru Kenyatta, sida ay ii xaqiijiyeen ilo-diblomaasiyaddeed oo sare.

Warbaahinta Somaliland ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Muuse Biixi uu Casumaad ka helay dowladda Kenya, islamarkaana inta uu ku sugan Nairobi uu la kulmi doona Madaxda Sare ee dalkaasi.

Horay waxaa u jiray in uu dhowr jeer qorsheeyay in uu booqdo Kenya laakiin aysan suurtagalin Caddaadis Kenya uga yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Booqashada Muuse ayaa imaanaysaa xilli uu taagan khilaafka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana labada dal ay ukala yeerteen Safiiradooda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe