Friday, March 6, 2026
HomeWararGudahaMadaxweyne Museveni oo cudur ku dhacay iyo dowladda oo War kasoo saartay...

Madaxweyne Museveni oo cudur ku dhacay iyo dowladda oo War kasoo saartay xaaladiisa.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa laga helay cudurka COVID-19, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, isaga oo intaas ku daray in Madaxweynaha caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, uuna sii wadi doonaa shaqadiisa inta lala tacaalayo.

“Madaxweynaha waxaa laga helay cudurka COVID-19. Tani waxay ahayd kadib markii ay soo baxeen astaamo u eg hargab fudud. Si kastaba ha ahaatee caafimaadkiisu waa wanaagsan yahay, wuxuuna ii si caadi ah u gudan doonaan waajibaadkiisa,” ayay barteeda Twitterka ku sheegtay Diane Atwine oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda caafimaadka.

Horraantii Arbacadii, kadib markii uu khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka, Museveni, oo 78 jir ah, ayaa tilmaamay in uu shakiga in uu ku dhacay COVID, isagoo sheegay subaxdii inuu dareemay qabow yar, taas oo ku kalliftay in uu codsado tijaabooyin COVID.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ah hoggaamiyaasha caalamka kuwooda ugu da’da weyn ayaa billooyinkii ugu dambeeyay ka soo muuqday warbaahinta, isaga oo xiran af-saar mise face mask.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo horaantii sanadkaan booqasho ku tagay dalkaas ayaa loo xiray maska isaga iyo wafdkiisa kolka ay la kulmayeen Madaxweynaha dalka Uganda kaas oo hadda laga helay cudurka COVID-19.

Dhammaadkii sanadkii 2019-kii ayey ahayd markii iigu horreysay la shaaciyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurkaan kaas oo laga helay dalka China, waxa uuna markii dambe saameyn ku yeeshay adduunka, isaga oo hakad galiyay isu socodka Caalamka iyo kuwa gaarka ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe