Thursday, May 15, 2025
HomeWararDhageyso:-madaxweynaha hirshabeele oo jowhar ku qaabilay ergayga cusub ee qaramada midoobay.

Dhageyso:-madaxweynaha hirshabeele oo jowhar ku qaabilay ergayga cusub ee qaramada midoobay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ku qaabilay Ergayga cusub ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing iyo ku xigeenkeeda cusub, ahna u qeybsanaha iyo isku-duwaha howlaha bini’aadanimo ee Soomaaliya Md. George Conway.
Madaxweynaha iyo Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada oo ay kala hadleen howlaha muhiimka ah ee hortabinta leh sida daadejinta adeegyada bulshada, dhismaha goleyaasha deegaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Gargaarka iyo Sare u qaadida adeegyada horumarinta.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaaladii lala galay Kooxda Khawaarijta ah oo laga xoreeyay deegaano badan oo u baahan in la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, Sidoo kalana ay isu diyaarinayaan Wajiga labaad ee howlgalada si loo dhameystiro xoreynta deegaanada wali gacanta cadowga ku jira.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe