Thursday, May 7, 2026
HomeWararMadaxweyne Dani oo si adag uga hadlay Arimaha Doorashada

Madaxweyne Dani oo si adag uga hadlay Arimaha Doorashada

Madaxweynaha Puntland siciid dani ayaa ugu baaqay Madaxda Fidraalka Soomaaliya in ay ka tanaasulaan siyaasada aamusinta ku dhisan ee ay kula dhaqanto Dawladaha Xubnaha ka ah DFS.

Waxa uu carabka ku dhuftay Madaxweyne Dani in hadii aysan tanaasulaad muujin Madaxda Qaranka waqtiga uu ku dhamaan doono waxa uu ugu yeeray ila Meerayso.

“Hadii aan tanaasulaad la muujin oo Madaxda Dawlada ay garan waayaan inta uu gartay Madaxweyne qoor-qoor ee ah in kadib doorashadiisa loolanka uu dhamaaday waxaa sheekada ay noqon doontaa sheekada waqooyiga ka soo baxday ee ila meerayso” ayuu yiri MD Dani.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahanyahay in Doorashada dalka waqtigeeda lagu qabto taasi oo noqon doonta mid dadban sida laga dheehan karay hadalkiisa.

“Doorashada waxaan rajaynayaa in waqtigeeda ay ku dhacdo waan gaari doonaa doorasho qof iyo cod ah waxaase hada loo baahanyahay in aan qaadano qaabka ugu fudud ee looga gudbi karo siyaasada taagan iyo xiligaan kala guurka ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Maamulka Puntland.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe