Friday, March 29, 2024
HomeWararMadaxweyne ku Xigeenka galmudug Oo Kulan la qaatay Safiirka Turkiga

Madaxweyne ku Xigeenka galmudug Oo Kulan la qaatay Safiirka Turkiga

Madaxweyne Ku xigeenka Xilkiisa lagu muransanyahay ee Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey, ayaa qoraal u soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay inuu kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yılmaz, oo uu kala hadlay howlaha taageerada iyo garab istaagga Maamulka Galmudug.

Sawir u soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa muujinaya kulanka labadda ma’uul oo is garab taagan iyaga oo ku sugan Xafiiska Safiirka Turkiga Amb. Mehmet Yılmaz, ee Magaaladda Muqdisho.

Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa qoraalkiisa sii raaciyay in Safiirka Turkiga uu u balan qaaday in Dawladda Turkiga ay si buuxda uga qayb qaadaneyso caawinta bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxwene ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey, ayaa ku sugan Muqdisho, tan iyo makii khilaafku uu ka dhex qarxay madaxda ugu sarreysa galmudug, taasi oo keentay inay noqdaan laba garab oo kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb, kuwaasi oo midkastaahi uu Xilka ka qaaday madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Guddookii Baarlamanka iyo labadiisa ku xigeen.

Kulanka labada mas’uul ayaa ku soo aadaya Xilli deegaanadda Galmudug uu ka jiro dib u dhac baahsan oo ka dhashay khilaafka dawladda dhexe iyo Galmudug iyo kan ka dhexjira Galmudug oo sababay inaanay shaqeyn hay’addaha dowlliga ah ee Galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe