Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Gudoomiyaha maxkamadda degmada Afmadow ee Gobolka Jubbadda Hoose, loogu magacaabey Sheekh Cabdirashiid Aadan Ismaaciil.
Wareegtadda ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu amray hay’addaha dowliga ah ee ka howlgala Degmadda Afmadow inay la shaqeeyaan Guddomiyaha Cusub.
Degmadda afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, oo dhawaan uu booqaday Madaxweynaha jubbaland ayaa sidoo kale loo magacaabay dhowr mas’uul oo uu ugu danbeeyay taliyaha Amniga Degmadda Afmadow oo labo maalin ka hor la soo magacaabay.
#Jubbaland: Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gudoomiyaha maxkamada degmada Afmadow loogu magacaabey Sheekh Cabdirashiid Aadan Ismaaciil.
Wareegtadda ayaa sidoo kale lagu amray hay'addaha dowliga ah inay la shaqeeyaan Guddomiyaha. pic.twitter.com/KcSIuvXkUg— The Sudani Post (@TheSudaniPost) January 15, 2019

