Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasibadda caleemasaarka guddoonka Golaha shacabka ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Madaxweynaha aaya khudbaddiisa diiradda ku saaray wada shaqeynta laamaha kala duwan ee dowladda,waxaana uu sheegay in Xildhibaannada looga baahanyahay in ay la xisaabtamaan Xukuumadda .
Waxaa uu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Madaxtooyada iyo Xukuumadda uu yahay mid aad u wanaagsan sidaas oo kalena laga doonayo in xiriirka Xukuumadda iyo Golaha shacabka uu noqdo midjoogto ah.
Golaha shacabka ayuu  ugu baaqay in ay la xisaabtamaan Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Kkeyre si loo gaaro howlaha horyaalla dowladda Federaalka ah.
Shaqada ugu weyn ee hortaalla ayuu sheegay in ay ka mid tahay dhameystirka Dastuurka KMG ah,gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah,dhameystirka Hindise sharciyeedyada dalka iyo in dalka la gaarsiiyo hanaanka doorasho ee uu qaadanayo.