Saturday, March 15, 2025
HomeWararGuddoomiye Mursal Oo Goordhaw la Caleema saarayo.

Guddoomiye Mursal Oo Goordhaw la Caleema saarayo.

Munaasibad lagu caleema saarayo guddoomiyaha cusub ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh.C/Raxmaan ayaa lagu wadaa inay goordhaw ka dhacdo xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye .

Mursal ayaa la doortay 30kii April,waxaana uu beddelay Maxamed Sh.Cismaan Jawaari kaas oo xilka horay ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay isaga oo aan la caleema saarin,waxaana uu xarigga ka jaray dib u dhiska xarunta Golaha shacabka.

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa si ku meel gaar ah ugu shaqeynaya Xarunta Guddiyada joogtada ah ee Golaha shacabka ee loo yaqaan Villa Hargeysa.

Dib u dayactirka Xarunta Golaha shacabka oo ay sameyneyso Hay’adda TIKA ee dalka Turkiga ayaa la filayaa marka ay dhamaato in Golaha shacabka ay xaruntooda ku laabtaan.

Munaasibadda Caleemasaarka ayaa waxaa ka qeybgelaya xubnaha Golaha shacabka,madaxda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo marti geli oo lagu casuumay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe