Tuesday, May 20, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo Ubax Dhigay Taalada Daljirka Dahsoon

Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo Ubax Dhigay Taalada Daljirka Dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Maanta Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha aya marka uu gaaray Taalada Daljirka Dahsoon waxa uu Salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Baanbeyda ee Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa taaladda Daljirka.

Madaxweynaha oo ay garab socdaan gabdho da’yar ah oo loogu la bisay dhar isku eg iyo astaanta calanka soomaaliya ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon, oo sanad kasta maanta oo kale uu ubax dhigo masuuliyiinta ugu sareysa Dawladda, tan iyo markii ay soomaaliya heshay Xornimadeeda 26-june 1960-kii.

Ubax dhigga ka dib Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay Xuska 26 Juun iyo sida shacabka looga baahan yahay in ay ugu diyaar garoowaan fantasiyaha Maalinta koowaad ee Xorriyadda.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan Midnimada iyo isku duubnida soomaaliyeed si ay u gaaraan guul nabad iyo barwaaqo u horseeda ummadda. .

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Dowladdiisa ay ka shaqeyn doonto hormarinta, isku keenidda Shacabka iyo Nabadeynta dalka.

26 June 1960-kii maanta oo Kale waxay ahayd markii ugu horeysay ee Calan Soomaaliyeed oo xur ah laga taago gayiga Soomaaliya, waxaana la xusaa sanad kasta marka la soo gaaro maanta oo kale

58 sano kadib waxaa muuqata in wali ay taagantahay xasuusta maalintaan oo ah maalin aan ka go’ayn quluubta ummadda soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe