Wednesday, January 15, 2025
HomeUncategorizedDhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo Ubax Dhigay Taalada Daljirka Dahsoon

Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo Ubax Dhigay Taalada Daljirka Dahsoon

Madaxweyne Farmaajo oo Hareerihii  Ay Socdeen Gabdho Yar Yar Ah Ayaa Waxaa uu Maanta Ubax Dhigay Taalada Daljirka Dahsoon Ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha aya marka uu gaaray Taalada Daljirka Dahsoon waxa uu Salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Baanbeyda ee Booliska Soomaaliyeed oo Halkaasi Iyagu Xaarid Ku Ahaa

Ujeedada Ubax Dhiga Ayaa Aheed Xuska 26 Juun  Ah Markii Guumaysigii Ingiriska Ay Ka Xoroobeen Gobolada Waqooyi Ee Somaliya Waxaan Madaxweyne Farmaajo uu Ka Hadlay Muhiimada Xuska 26 Juun iyo sida shacabka looga baahan yahay in ay ugu diyaar garoowaan.

Madaxweyne Farmaajo Waxaa uu Sheegay In shacabka Somaliyeed looga Baahanyahay In Ay Kashaqeeyaan Midnimada Iyo Isku Keenida Umada Somaliyeed Isagoo Intaa Raaciyay In Dowladiisu Ay Mihiimada Siinayso Midnimada Iyo Nabadeenta Dalka Iyo Dadkaba.

58 Guuradii Kasoo Wareegay Ka Xorowgii Gumeysigii Ingiriiska Ee Gobolada Waqooyi Ee Dalka Ayaa Maanta Ilaa Xalay Laga Xusay Dalka Intiisa Badan

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe