Maamulka Isbitaalka Kalkal ayaa soo bandhigay adeeg cusub oo noociisa noqonayo kii ugu horeeyay ee laga fuliyo Somaliya,Munaasabad lagu qabtay Xarunta Isbitaalkaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay Qaliin ay markii ugu horeysay ku guuleysteen,kaa oo lagu sameeyay Jilinka iyo Sinta.
Qaar kamid ah Bukaanada la xanuunsanayay Cudurada ku dhaca lafaha gaar ahaan Sinta iyo Jilibka ayaa qaliin isbitaalkaa loogu sameeyay lagu guuleystay ,dhaqaatiir Siiriyaan,Hindi iyo Somali isugu jirta ayaa Qaliibnkaa wadajir u fuliyay Agaasimaha Guud ee Kalkaal Cllahi Ckariin Jowhar ayaa kahadlay muhiimada in adeegaa khaaska ah ay ka mira dhaliyaan.
Dhimaca Kale Maxamed Faarax waa Mid Kamid ah Ehelada Dadkii Loo Sameeyay Qaliimadaas Waxa Uu Amaan iyo Bogaadin Uceliyay Maamulka iyo Dhakhaatiirta Cisbitaalka Kalkaal Waxa Uu Sheegay in ay Nasiib Utahay In ay Noqdaan Dadkii Ugu Horeeyay Ee Qaliinadaas Loogu Samaeeyo Dalka Gudahiisa Waliba Kharaj yar iyo Qaliin Casri ah.
Inta badan waxaa dalka dibadiisa adeeg caafimaad utago Somali badan Kadib markii cisbitaalada dalka aysan ku guuleysan baxnaaninta bukaanadaasi,waxaasa muuqaneysa dadaalo lagu doonayo in looga baaqsado safarada caafimaad ee dalka dibadiisa ,inkastoo talaabooyinkaa ay yihiin kuwo faro ku tiris ah Sida Cisbitaalka Kalkaal Oo Utaagn Helista Caafimaad Sax ah Guud ahaan Gayiga Somalia