Home Warar Madaxweynaha Somaaliland oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Somaaliland oo gaaray dalka Jabuuti

82

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magalada Jabuuti ee Caasimadda wadanka Jabuuti, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in saacadaha so socda ay la kulmaan madaxda dalka Jabuuti iyaga oo kala hadli doona  arrimo la xiriira xoojinta xiriirka Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan safar ku tegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo la kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyaga oo kala saxiixday heshiis ka kooban dhowr qodob.