Home Warar Booliska Itoobiya oo howlgal ku qabtay hub farabadan & waxyaabaha qarxa

Booliska Itoobiya oo howlgal ku qabtay hub farabadan & waxyaabaha qarxa

462

Guddiga Booliiska Addis Ababa ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay tiro hub ah lix iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay iyada oo laga fuliyay  hawlgal guri guri magaalada Addis Ababa.

Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 53 Kalashnikov iyo qoryo kale, 129 bistoolado, 2, 120 xabadood oo hub kala duwan ah iyo bambooyin gacmeed oo dhowr ah, iyada oo la fulinayo qeyb ka ah talaabooyinka sugida amniga dalkaas.

Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee gudiga booliska Addis ababa, Taliye Fasika Fanta ayaa shaaca ka qaaday in Dkarka milatariga iyo aaladaha isgaarsiinta raadiyaha ay sidoo kale boolisku ku qabteen howlgalka.

Wadarta guud ee hubka ay gacanta ku dhigeen booliska, 41 bastoolad iyo 254 xabadood ayaa laga soo qabtay baaritaanada lagu sameeyay gawaarida.

Sida laga soo xigtay Komishanka Booliska Addis Ababa, qaar ayaa u dhintey kuna dhaawacmay sababo la xiriira qaraxyo loo adeesaday bambooyin gacmeed iyo walxaha qarxa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa bilihii u dambeeyey.

Booliska Adis ababa ayaa ilaa hada gacanta ku dhigay 25 bam gacmeed, 4 waxyaabaha qarxa iyo 17 qori oo ay tuureen shaqsiyaad aan lagaranaynin meelo badan oo kamid ah magaalada.