Home Warar Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah oo la weeraray

Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah oo la weeraray

322

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay  weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin  degaanka Qooqaani oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa la sheegay in  uu degaanka Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadow ee  Gobolka Jubbada Hoose uu ku dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Ururka Al-Shabaab, waxaana dagaalkaas laga helayaa faah faahino kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kale ay jireen tiro madaafiic ah oo ay is weeydaarsadeen dhinacyada dagaalamay, balse aan la sheegin khasaaro dadka Rayidka ah kasoo gaaray dagaalka.

Inta badan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, kadib markii ay Al-Shabaab weeraraan Saldhigyada Ciidamada.