Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka ay saameeyeen fatahaada uu wabiga Shabelle ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Beledweyne.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dadka kunool Magaalada Baledweyne ay ku sugan yihiin Xaalad adag.
Waxaa uu sheegay in musiibada ka taagan Beledweyne ay ka weyn tahay maamulkiisa.