Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kusii jeeda magaalada Garowe ayaa goordhow ka duulay Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho.
Wafdiga Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta ka dhaceysa Magaalada Garoowe.

