Tuesday, March 18, 2025
HomeBarnaamijyadaMadaxda caalamka oo ka hadashay geerida Maxamed Mursi

Madaxda caalamka oo ka hadashay geerida Maxamed Mursi

Hogaamiye yaasha caalamka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo ku Geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Qaahira.

Amiir ka Qatar.

Amiirka dalka Qatar Shiikh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa tacsi u diray qoyska Mursi iyo shacabka Masar.

Waxaa na soo gaartay geerida naxdinta badan ee Dr. Mursi waxaa na abuuray Allah dhankiisa ayaana u Noqoneynaa.

Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa dhankiisa tacsi u diray waxaana uu sheegay in Mursi uu u dhintay oo kaliya Diintiisa iyo waxa uu Aaminsanaa.

Ilaah ha u naxariisto walaalkeen Mursi ayuu yiri Erdogan oo saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii hore ee Masar.

Qaramada Midoobay.

Afhayeenka qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa tacsi u dirtay qoyska Mursi iyo Taagerayaashiisa.

Hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha (HRW).

Agaasimaha bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika Sarah Leah Whitson, ayaa sheegtay in geerida Mursi ay ka xun tahay waxaana ay tilmaantay in uu u Dhintay Daryaal La,aan.

Axmed Maxamed.

Wiilka Maxamed Mursi ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku xaqiijiyay geerida aabihiis

Axmed ayaa sheegay in aabihii iyo Isaga ay ku midoobi doonaan ilaah Hortiisa.

Ikhwaanul Muslimiin.

Xubno ka mid ah Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar ee ku sugan London ayaa sheegay in geerida Mursi ay sabab u tahay iyadoo loo diiday daryaalka caafimaad oo uu u Baahnaa.

Dowlada Masar ayaa lagu eedeeyay in mudo bilo ah ay diiday in howlwadeenada caafimaad ay booqdaan Maxamed Mursi si loo Dabiibo.

Maxamed Mursi ayaa jooga ka dhacay xiili ay socotay dhageysiga dacwado ka dhan ah oo la xiriira wadashaqeyn uu la lahaa dhaqdhaqaaqa Xamaas

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe