Home Warar Madasha Xisbiyada oo Midowga Yurub kala hadlay Qabsoomidda doorasho xor

Madasha Xisbiyada oo Midowga Yurub kala hadlay Qabsoomidda doorasho xor

646

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Midowga ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga.

Kulan ay yeesheen Xubno ka socday Madasha Xisbiyada Qaran uuna hogaaminayay Guddoomiyaha Madasha Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo danjiraha Midawga Yurub ee Soomaalia Ambassador Nicolas Berlanga ayaa looga hadley arimo ay kamid yihiin.

1. Ilaalinta Dastuurka iyo dhowrista xuquuqda muwaadinka.

2. Qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loo asteeyay, aysanna dhicin wax mudo kordhin ah.

3. Xaqiijinta kuraasta loo qoondeeyay haweenka

4. Iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka CoronaVirus.