Wasiirka Wasaarada War-faafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Oo Kahadlay Kufsi Gabdho Saqiiro ah Loogu gaystay Magaalada Afgooye Ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa Waxa uu sheegay in hay,ado ay Maal galiyaan Dadka Kufsiyada ka gaysta Soomaaliya.
Waxa uu sheegay wasiirka in Dad doonayaa in Magac dilaan Soomaaliya ay Lacago siiyaan dadka gaysta Falalkaan Arxan darada ah Ee Loogaysto Haweenka Soomaaliyeed Gaar ahaan Gabdhaha Saqiirada ah oo kusoo badanayan Gudaha Dalka.
Laamaha Amaanka ayuu ku amray wasiirka in sida ugu dhaqsiyaha Badan ay Gacanta ugu Soo dhigaan Cidii Kadambaysay Falkaasi iyo hay,adihii Maal galiyay intaba.