Saturday, October 24, 2026
HomeWararGudahaDabageed oo sheegay inuu xilka sii hayn doono ilaa heshiis siyaasadeed laga...

Dabageed oo sheegay inuu xilka sii hayn doono ilaa heshiis siyaasadeed laga gaarayo Hirshabeelle

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, ayaa sheegay inuu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan maamulka Hirshabeelle.

Dabageed ayaa sheegay inuu xilka wareejin doono marka dhinacyada ay khusayso ay ku heshiiyaan hannaan siyaasadeed oo cusub oo lagu maareeyo xaaladda maamulka, xilli uu muran ka taagan yahay hannaanka doorashada Hirshabeelle iyo qaabka loo wajahayo marxaladda kala guurka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo qaybaha kale ee bulshada ay magaalada Beledweyne ka fureen gogol wadatashi oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee Hirshabeelle. Gogoshan ayaa lagu doonayaa in dhinacyada kala duwan ay kaga arrinsadaan khilaafka jira, isla markaana ay ka yeeshaan aragti ku saabsan hannaanka siyaasadeed ee maamulka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa gogosha Beledweyne ku tilmaamay fursad lagu raadin karo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro khilaafka, isaga oo ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay ka qaybgalaan wadatashiga si loo helo hannaan maamul oo loo dhan yahay.

Dabageed ayaa dhaliilay hannaanka doorashada ee la qorsheynayo in lagu qabto magaalada Jowhar, xarunta maamulka Hirshabeelle. Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa inay doonayaan inay maamulaan hannaanka doorashada iyaga oo aan heshiis siyaasadeed iyo mid bulsho la gaarin dhinacyada ay arrintu khusayso.

Wuxuu ku dooday in hannaanka doorashada Jowhar aanu waafaqsanayn Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo dastuurka Hirshabeelle, isaga oo xusay in aan la iska indho tiri karin doorka bulshada iyo beelaha ee go’aaminta matalaaddooda siyaasadeed.

Khilaafka la xiriira doorashada Hirshabeelle ayaa salka ku haya aragtiyo kala duwan oo ku saabsan habka loo dhisayo maamulka iyo cidda ay tahay inay door ka qaadato go’aaminta mustaqbalkiisa siyaasadeed. Hadallada Dabageed ayaa muujinaya in weli loo baahan yahay wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo ay qayb ka noqdaan dhinacyada ay khusayso.

Dabageed ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan gogosha wadatashiga ee Beledweyne, isaga oo ku boorriyay inay gacan ka geystaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis lagu maareeyo marxaladda kala guurka ee Hirshabeelle.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe