Saturday, March 22, 2025
HomeWararMaamulka Puntland Oo Katacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Gobolka Nugaal.

Maamulka Puntland Oo Katacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Gobolka Nugaal.

Maamulka Puntland Ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Siciid C/llahi Dani ayaa Waxa Katacsiyeeyeen Geerida Xanuunka Badan Ee Kutimid Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Nugaal.

War qoraal ah Oo Kasoobaxay Madaxtooyada Puntland ayaa Lagu yiri:-

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya macagaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed gaadmo ismiidaamin ah dhaawac kasoo gaadhay hadda u geeriyoodey, Guddoomiyuhu waxa uu gudanaayey waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa, waxaana uu ku sugnaa xilligaasi Saldhigga Dhexe ee caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Saldhigga Dhexe ee Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey”.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe