Saturday, March 22, 2025
HomeWararRa,iisul Wasaare Khayre Oo Katacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Gobolka Nugaal.

Ra,iisul Wasaare Khayre Oo Katacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Gobolka Nugaal.

Ra,iisul Wasaaraha Xukuumada Fidraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa Tacsi Tiiraanyo leh u Diray Qoyska,Ehelada,Asxaabta iyo Shacabka Soomaaliyeed Ee uu Kabaxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Ee Maamulka Puntland Cabdisalaan Xasan Xirsi Oo Xalay Isbitaalka Wayn Ee Magaalada Garoowe ugu geeriyooday Dhaawac Kasoogaaray Qarax Kadhacay Agagaarka Saldhiga Caasimada Puntland Ee Garoowe.

Qoraal Kooban oo uu Ra,iisul Wasaaraha Kusoo Daabacay Bartiisa Facebook ayuu ugu Tacsiyeeyay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Garowe ee caawa. Waxaan Alle uga baryaynaa in uu u naxariisto”.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe