Home Warar M/Ku Xigeenka Iyo G.Barlamanka Gal-mudug Oo Cadaado Ka Dhagax-Dhigay Xarunta Baarlamanka

M/Ku Xigeenka Iyo G.Barlamanka Gal-mudug Oo Cadaado Ka Dhagax-Dhigay Xarunta Baarlamanka

305

Dhagax dhiga xarunta baarlamaanka Galmudug oo ay si wadajir ah u dhagax dhigeen madaxweyne kuxigeenka Galmudug gudoomiyaha baarlamanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano katirsan Maamulka Galmudug.

Xarunta baarlamanka ee La dhagax dhigay ayaa ku fadhisa dhul 200 oo mitir waxaana bixiyay dowlada hoose ee degmada Cadaado sida uu sheegay gudoomiyaha degmada C/laahi Craxman Xuseen Tootoole

Cali gacal Casir ayaa sheegay inuu ku farsaxan yahay dhagax dhiga xarunta baarlmanka Galmudug waxuuna sheegay in dhulka uu ku filan yahay waxuuna ku baaqay in laga qeyb qaato dhismaha xarunta baarlamaanka Galmudug Isago Intaa Ku Daray In Shacabka Reer Cadaado u Diyaar garoobeyn dhisidda Maamulkoda Gal-mudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in xaruntaan ay dhagax dhigeen la bilaabi doono dhismaheeda Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan waxuuna maamulka degmada uga mahadceliyay bixinta dhulka Kaas Oo Laga Dhisayo Xarunta Baarlamanka Gal-mudug.