Monday, October 14, 2024
HomeWararWafdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Madaxda Puntland Kala Hadlay Arimaha Tukaraq

Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Madaxda Puntland Kala Hadlay Arimaha Tukaraq

Magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland waxaa maanta gaaray wafdi uu hogaaminayo u qaabilsanaha Qaramada midoobay Arimaha Xuquuqul insaanka iyo Gar gaarka ahna ku xigeenka Madaxa Qaramada Midoobay Soomaaliya Mudane Peter De Clercq.

Socdaalka Wafdigan ayaa u jeedadeedu ay tahay sidii Puntland ugala hadlilahaayeen Xaalada gobolka Sooliyo xiisada coleedeed ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Madaxweynaha dawlada Puntland iyo ku xigeenkiisa ayey kulan ay ugala hadlayaan xiisadaasi ay kula qaadanayaan xarunta Madaxtooyada dawlada Puntland.

Warar Hordhac ah oo kasoo baxaya kulankaasi ayaa sheegaya inuu madaxweynaha Puntland soo dhaweyey wafdigaasi sidoo kalana uu sheegay in shacabka iyo dawlada Puntland ay soo dhawaynayaan qaab walba oo looga hortagayo xiisada Coladeed iyo dhimasho markale ka dhacda gobolka Sool.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaas sidoo kale wuxuu sheegay dagaalkaasi kaliya inuu ku istaagi karo in Maamulka Soomaaliland uu dib uga laabto deegaanada Puntland ay ka haystaan sida uu sheegay.

Peter De Clercq oo ah Kuxigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in laga doonayo maamulada Soomaaliland iyo Puntland inay keenaan qorshe lagu bad baadinayo shacabka ku dhimanaya dagaalka.

Masuulkan ka socda Qarmada Midoobay ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Hargaysa ay kulan kula qateen Madaxda ugu saraysa Soomaaliland ayna kala hadleen sidii looga hortagi lahaa dhiig Shacab in lagu daadiyo Gobolka Sool.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe