Dhagax dhiga xarunta baarlamaanka Galmudug oo ay siwadajir ah u dhagax dhigeen madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo gudoomiyaha baarlamanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano katirsan Galmudug.
Xarunta baarlamanka ee dhagax dhigay ayaa ku fadhisa dhul 200 oo mitir waxaana bixiyay dowlada hoose ee degmada Cadaado sida uu sheegay gudoomiyaha degmada C/laahi Craxman Tootoole.
Cali Gacal Casir Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhagax dhiga xarunta baarlamanka Galmudug waxuuna sheegay in dhulka uu ku filan yahay xarunta sidoo kale waxuuna ku baaqay in laga qeyb qaato dhismaha xarunta baarlamaanka Galmudug.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Caashi Cabdi ayaa sheegay in xarunta ay dhagax dhigeen la bilaabi doono dhismaheeda waxuuna maamulka degmada Cadaado uga mahadceliyay bixinta dhulka Kaas Oo Laga Dhisayo Xarunta Baarlamanka Galmudug.