Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaLaftagareen oo Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya

Laftagareen oo Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qaabilay Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Jaamac Taqal Cabaas oo uu qeyb ka yahay Wafdigiisa Madaxa Mashaariicda Hay’adda IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS iyo Wafdigiisa ayaa Madaxweyne Laftagareen la Wadaagay Socdaalkooda Magaalada Baydhabo inay Tahay sidii Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Koonfur Galbeed loogu Wareejin lahaa Mashruuca Biyo gelinta Baydhabo.

 

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Islamic Relief oo Baydhabo usoo Gaaray sidii Gargaar Bini’adanimo ay ugaarsiin lahayeen Dadka Danyarta ah ee ku nool Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa wafdiga uga Mahadceliyey Booqashooda Magaalada Baydhabo waxaana uu tilmaamay in kan Dowlad ahaan ay kala Shaqayn doonan sidii loogu fududeyn lahaa waxyaabaha ay ubaahanyihiin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe